English

 Taariikhda TSCA


Taariikhda Jaaliyada Somaaliyeed ee Old Trafford

Jaaliyadani waxaa la aasaasay sanadkii 1998, waxaana aasaasay xubno yar oo Soomaali ah oo degay xaafada Old Trafford kadib markay kasooqaxeen dagaaladii sokeeye ee wadankoodii hooyo ee Soomaaliya. Waxay soodegeen xaafadani iyagoo qaxooti ah, waxayna noqdeen qaxootigii Somaliyeed ee ugu horeysay ee hoostimaada xarunta wayn ee dawlada dhexe uqaabilsan adeega dadka ee looyaqaano Trafford Borough Council.

Waxaa markii hore looyaqiinay magaca ah qaybta Somalida ee Old Trafford. Balse sanado kadib markii ay tirada Somalida ay kusoo badatay xaafada ayaa waxaa loobadalay Jaaliyada Somaliyeed ee Old Trafford.

Ururkan halka ujeedo wada leh waxaa si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2001 waxaana furay duqa xaafada Old Trafford iyadoo xaflada furitaanka ay kadhacday Libereriga kuyaala wada looyaqaano Stamford Street. Waxaa xaflada furitaanka kasooqaybgalay xubno ama duqayda uxilsaaran dawlada hawlaha xaafada oo ay kamid ahaayeen Andrea Jones, Cllr Micheal, Cllr. Whistenet iyo shaqaalaha golaha xafiiska oo qibrad wayn uleh adeegyada bulshada, iyo sidoo kale hogaamiyayaal jaaliyado kale.

Intii lagu jiray waqtiyadii ugu horaysay ee la’aasaasay ururkani, waxuu talo iyo waano kaheli jiray nin laoran jiray Mr Bernand Sellaby oo uxilsaarnaa arimaha horumartina ee jaaliyada waqtigaa iyada ahayd.

Fikrada keentay in la aasaaso ururkani waxay timid kadib markii ay badatay baahida ururka ay uqabeen adeegyada xafiisyada dawlada iyo danooyin iyaga ugaar ah.

Shacabka Somaliyeed ee kunool xaafada waxay markii hore waydiisteen in labilaabo ama lahelo dad si ikhtiyaar ah waqtigooda ugu hore howsha bulshada, taasina way hirgashay. Waxaa kuxigay in ladoorto  dad maamulka haya, waxaana gudoomiye loodoortay Mr Abdillahi Sharif, gudoomiye kuxigeena Mr A Shafi, halka xogahaynta loodoortay Mr Mohamed A Mohamed. Sidoo kale waxaa iyana lacag haye loodoortay Mrs Aisha Ismail.

Arinta ugu muhiimsan ee ay Jaaliyadu qabanaysay waqtigaa waxay ahayd arimaha ay kamid yihiin guryaha, tarjumaada, kagudubka dhaqanka, gooni utakooranka, waanada xaga cayrta iyo caruurta gareedkooda aad uhooseeyo xaga iskuulka oo ay uguwacantahay faraqa xaga luqada iyo waxbarashada Ingiriiska iyo Somaliya.

Waqtigii ay jaaliyadani bilaabatay tirada Somalida ee xaafada waxay ahayd ilaa 60 laakiin waqtigan xaadirka waxaa lagu qiyaasaa inay kor udhaafeen 450 iyadoo dadka ubadani ay yihiin qoysas.

Sida uu dastuurka jaaliyada qorayo waxaa doorashadii ugu dambeeysay loodoortay xaga maamulka dadka kala ah Mr Mohamed A Mohamed, (gudoomiye), Salah Abdisamad ( xoghaye ) iyo Adam A Noor ( lacaghaye ).

Jaaliyadani waxay leedahay xeer iyo dastuur lamaro oo kakooban qodobo sharci ahaan loogabaahanyahay jiritaankeeda taasoo sababtay aqoonsashadeeda dawlada dhexe.

Somali

square02_red.gif

Home                   

square02_red.gif

Bogga Guud         

square02_red.gif

History of TSCA    

square02_red.gif

Taariikhda TSCA   

square02_red.gif

Activities             

square02_red.gif

Baraamijyada       

square02_red.gif

News Board          

square02_red.gif

Ogeeysiisyada      

square02_red.gif

Contact Us           

square02_red.gif

Nala Soo Xiriir      

 
















































 



























 

© 2005 Trafford Somali Community Association. All rights reserved.

 

 This Site is Designed and Maintained By: